Xaalad adag oo soo wajahdey dadkii ka barakacay dagaallada Guriceel

Image

March 3, 2015 (GO)- Xaalad nololeed oo adag ayaa lasoo deristey boqollaal qoys oo ka barakacay degmada Guriceel oo todobaadyadii u dambeeyey dagaallo ku dhex marayeen ciidamada dowladda iyo mileeshiyaad taabacsan Ahlu Sunna Waljmaacah.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa baaq u direy Dowladda Federaalka iyo hay'adaha samafalka isagoo ka codsaday in loo soo gurmado dadka ku tabaaleysan duleedka magaalada.

Cirfo wuxuu sidoo kale sheegay in baahiyaha xilligan dadku qabaan ugu muhiimsan yihiin: biyaha, cuntada iyo weliba adeegyada caafimaadka.

Degmada Guriceel waxaa shalay gaarey wafdi ka socda Dowladda Faderaalka oo Wasiirka Gaashaan-dhigga Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini hoggaaminayey.

Wafdiga Diini aya kulammo kala duwan la qaatey odayaasha dhaqanka, mas'uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee duleedka Guriceel ku sugan.

Kulammadaas ayaa ahaa kuwo diiradda lagu saaray sidii loo qaboojin lahaa xiisadda colaadeed ee ka taagan halkaas loona soo afjari lahaa khilaafka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM