Ciidan la duldhigay Musharixiinta madaxweyne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaaladda Muqdisho ayaa saakay kacsan, iyadoo Ciidamo badan lagu arkayo wadooyinka waaweyn, kuwaasoo hakiyay isku socodkii gaadiidka isaga kala goosho qeybaha magaaladda.

Meelaha Ciidanka la geeyay waxaa kamid ah xaruumaha ay degan yihiin Musharixiinta Mucaaradka oo ku yaalla inta u dhaxaysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka diyaaradaha.

Qoraal ay soo saareen Musharixiinta ayay uga digeen Madaxweyne Farmaajo inuu Ciidamada u adeegsado daandaansi siyaasadeed iyo caburinta iyo dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.

Waxay sheegeen in Farmaajo uu qaadi doono mas'uuliyadda dhibaato kasta oo ka dhalata adeegsiga awood Ciidan, daan-daansiga dagaal iyo kicinta xaaladda colaadeed ee lagu qalqal gelinayo amniga Musharixiinta.

Hadalka Musharixiinta ayaa imaanaya xili ay saakay shacabka Muqdisho ku waaberiisteen wadooyinka oo Ciidamo dhooban, islamarkaana aan shaqeynaynin Gaadiidka shacabka.

Waxay dowladda ka cabsi qabtaa inuu dhaco banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo, kadib markii labo maalmood kahor wadooyinka Caasimadda ay isagu soo baxeen boqolaal kasoo horjeeda boob ay sheegeen in lagu hayo doorashadda.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM