Ciidan la duldhigay Musharixiinta madaxweyne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaaladda Muqdisho ayaa saakay kacsan, iyadoo Ciidamo badan lagu arkayo wadooyinka waaweyn, kuwaasoo hakiyay isku socodkii gaadiidka isaga kala goosho qeybaha magaaladda.

Meelaha Ciidanka la geeyay waxaa kamid ah xaruumaha ay degan yihiin Musharixiinta Mucaaradka oo ku yaalla inta u dhaxaysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka diyaaradaha.

Qoraal ay soo saareen Musharixiinta ayay uga digeen Madaxweyne Farmaajo inuu Ciidamada u adeegsado daandaansi siyaasadeed iyo caburinta iyo dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.

Waxay sheegeen in Farmaajo uu qaadi doono mas'uuliyadda dhibaato kasta oo ka dhalata adeegsiga awood Ciidan, daan-daansiga dagaal iyo kicinta xaaladda colaadeed ee lagu qalqal gelinayo amniga Musharixiinta.

Hadalka Musharixiinta ayaa imaanaya xili ay saakay shacabka Muqdisho ku waaberiisteen wadooyinka oo Ciidamo dhooban, islamarkaana aan shaqeynaynin Gaadiidka shacabka.

Waxay dowladda ka cabsi qabtaa inuu dhaco banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo, kadib markii labo maalmood kahor wadooyinka Caasimadda ay isagu soo baxeen boqolaal kasoo horjeeda boob ay sheegeen in lagu hayo doorashadda.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM