Xaalada Muqdisho oo Maanta ka duwan sidii hore [Maxaa soo kordhay]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Muqdisho ayaa saaka ka duwan sidii hore, iyadoo ay gashay jawi siyaasadeed oo cusub, kaasi oo salka ku haya mooshinka kalsoonid kala noqoshada ka dhanka ah gudoomiye Jawaari.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay xireen inta badan wadooyinka Caasimadda, iyadoo loo diiday gaadiidka BL-ka inay isticmaalaan jidadka muhiimka ah ee ku dhaw Villa Soomaaliya.

Khilaafka Siyaasadeed ee Gollaha Shacabka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay amniga magaalada iyo goobaha kale ee dowladda ay ka maamusho wadanka, kadib markii Al Shabaab ay fulisay dhowr weerar.

Waxaa sidoo kale gaabis ku keenay Mooshinka shaqooyinkii Xukuumadda u haysay qaranka, maadaama ay wasiirada Xildhibaanada ah ay kamid yihiin saaxiixiyaasha Mooshinka xilka looga qaadayo Jawaari.

Khilaafka Khayre iyo Jawaari ayaa kala qeybiyay Gollaha Shacabka, oo ka dhigay labo garab oo iyaga kala taageersan, waxaana fashilmay isku dayo badan oo lagu xalin lahaa Khilaafka labada mas'uul.

Garabka Xildhibaanada taageersan Khayre ayaa ku eedeeyay Jawaari inuu caqabad ku noqday howlihii Gollaha Shacabka, islamarkaana uu ku xad-gudbay xeerar hoosaadka Baarlamaanka iyo dastuurka.

Dhanka Jawaari ayaa arintaasi beeniyay, oo kasoo horjeestay Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha, iyagoo ku eedeeyay Xukuumadda inay ka dambayso qalalaasaha taagan iyo mooshinka la keenay.

Farmaajo ayaa baajiyay kulankii sabtidii Gollaha shacabka ay yeelan lahaayeen, kadib markii laga baqay inay fowdo dhacdo, waxaana uu sameeyay dhex-dhexaadin u muuqata inay socon waysay.

Waxaa maanta ka dhacaya Gollaha Shacabka labo kulan oo labo ajande oo kala duwan looga hadli doono, iyadoo amaanka si weyn loo adkeeyay, oo Xildhibaanada ilaaladooda loo diiday inay hubka la galaan xarunta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM