Xaaladda Guriceel oo caawa degen kadib dagaalkii maanta

Image

February 24, 2015 (GO)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey saddex kalena way ku dhaawacmeen dagaal maanta mar kale dib uga qarxey degamada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Dagaalka oo ka dhacay duleedka magaalada wuxuu dhex maray mileeshiyaad ka tirsan ururka Ahlu Sunna iyo ciidamada Dowladda.

Wararkii ugu dambeeyey ee Guriceel naga soo gaarey ayaa sheegaya in xaaladda degmadaasi caawa deggen tahay inkastoo weli saan saan colaadeed laga dareemayo

Dhinacyada dagaalamay ayaa isku hor fadhiya goobihii maanta dagaalku ka dhacay waxaana weli degmada gacanta ku haya xoogagga taabacsan Ahlu Sunna.

Ma ahan markii ugu horreysey ee ciidamada dowladda iyo mileeshiyaadka Ahlu Sunna ay halkaas ku dagaalamaan.

Laga soo bilaabo bishii December ee sanadkii hore, Guriceel iyo deegaanada ku xeerran waxaa ka dhacay dagaallo galaaftay nolosha ku dhowaad afartan qof tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaarey. Waxaa sidoo kale Guriceel ka barakacay boqollaal qoys kuwaasoo xilligan ku usgan tuulooyinka hoos taga degmada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM