Xaaladda Muqdisho oo maanta ka duwan maalmihii lasoo dhaafay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaaladda magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniinta ah ka duwan sida ay ahayd maalmihii ugu dambeeyay, kadib markii dib loo furay Wadooyinkii xirnaa.

Ciidamo fara badan oo dowaldda xalay dhigtay Jidadka ayaa laga qaaday saaka kadib markii uu soo baxay warka Iscasilaadda Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Cismaan Jawaari.

Isku socodka Gaadiidka BL-ka iyo Dadweynaha oo maalmihii lasoo dhaafay caqabad kala kulmayay Ciidamada wadooyinka la dhigay, ayaa maanta dareemaya nafis iyo deganaansho ay si cadi ah ugu marayaan jidadka magaalada.

Xiisadda Siyaasadeed ee Gollaha Shacabka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay Isku socodkii Muqdisho, iyadoo dadweynaha ay cabasho ka muujiyeen wadooyin loo xirayay Kulamadii fashilmay ee Baarlamaanka ee la doonaya in codka loogu qaado Mooshinka.

Reer Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Isbedelka dhacay, maadaama Xaaladii cakirneyd iyo khilaafkii Barlamaanka ka dhex taagnaa ay soo gabagabowday maanta.

Is-casilaadda Jawaari waxaa shaaciyay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, iyadoo wali aah jirin war rasmi ah oo kasoo baxayy Xafiiska Gudoomiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM