Xaashi: Farmaajo wuxuu jebiyey qodobo dastuuri ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa ku kacay "xadgudubyo dastuuri ah" kuwaas oo loogu soo oogi karo mooshin xil ka xayuuib ah, sidda uu sheegay Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in ay sharci darro ahayd xeerka madaxweyne dib loogu dhigay meelmarinta dastuurka ku meelgaarka ah.

Senator Xaashi oo shir jaraa'id ka akhriyey bayaan uu soo saarey ayaa sheegay in dastuur jebinta uu madaxweynuhu sameeyay ay kala tahay;

In uu baarlamaanka ka hor-istaagay in uu soo saaro qaraarka wax ka bedelka ansixinta dastuurka

In uu ku tuntay kala soocida hay'addaha dowladda ee Madaxtooyadda, Fulinta iyo Sharcidejinta

In uu hareermaray waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga

"Qodobadan waxay ku filan yihiin in madaxweyne Farmaajo lagu soo oogo dacwad Qiyaano-Qaran iyo mooshin xil ka qaadis," ayaa laga soo xigtey Afhayeenka Senate-ka.

Farmaajo ayaa Khamiista maanta ah soo saarey xeer madaxweyne kaasoo uu dib ugu dhigay xeerka meelmarinta dastuurka ku meelgaarka ah kaasoo mudadiisu dhamaad ahayd isla markaana hadii la cusbooneysiin dalku geli lahaa xaalad dastuur la'aan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM