Xaashi: Farmaajo wuxuu jebiyey qodobo dastuuri ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa ku kacay "xadgudubyo dastuuri ah" kuwaas oo loogu soo oogi karo mooshin xil ka xayuuib ah, sidda uu sheegay Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in ay sharci darro ahayd xeerka madaxweyne dib loogu dhigay meelmarinta dastuurka ku meelgaarka ah.

Senator Xaashi oo shir jaraa'id ka akhriyey bayaan uu soo saarey ayaa sheegay in dastuur jebinta uu madaxweynuhu sameeyay ay kala tahay;

In uu baarlamaanka ka hor-istaagay in uu soo saaro qaraarka wax ka bedelka ansixinta dastuurka

In uu ku tuntay kala soocida hay'addaha dowladda ee Madaxtooyadda, Fulinta iyo Sharcidejinta

In uu hareermaray waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga

"Qodobadan waxay ku filan yihiin in madaxweyne Farmaajo lagu soo oogo dacwad Qiyaano-Qaran iyo mooshin xil ka qaadis," ayaa laga soo xigtey Afhayeenka Senate-ka.

Farmaajo ayaa Khamiista maanta ah soo saarey xeer madaxweyne kaasoo uu dib ugu dhigay xeerka meelmarinta dastuurka ku meelgaarka ah kaasoo mudadiisu dhamaad ahayd isla markaana hadii la cusbooneysiin dalku geli lahaa xaalad dastuur la'aan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM