Xaashi oo 4 qodob ka hadlay madaxda ku shirsan Muqdisho

Image
Guddoomiyaha Aqalka Sare Soomaaliya ayaa ah fariinta dhex-marsiiyey Golaha Siyaasiyiinta Somaliland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Siyaasiyiinta Somaliland oo uu hogaamiyo guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa afar qodob ka hadlay madaxda Soomaalida ee ku shirsan caasimadda Muqdisho.

Wadahadalada maanta ka bilowday magaala madaxda ayaa diiradda lagu saarayaa habraacyada doorashooyinka xubnaha Aqalka Sare oo qorshuhu yahay in ay dhowaan ka bilowdaan waddanka.

Qodobada ay golaha siyaasiyiinta doonayaan in lagu soo dar war-murtiyeedka kasoo baxaya wadaxaajoodyadan ayay u arkaan in ay xal u yihiin khilaafka kuraasta gobolada waqooyi.

Afarta qodob ayaa waxay kala yihiin;

1. In la dhiso guddoon Reer Waqooyi ah (Steering Committee) doorashada maamusha oo noogu jirta halka maamul goboleedyada oo kale, gaar ahaan tan aqalka sare.

2. In si cadaalad ku jirto loo mideeyo labada dhinac ee Gudiga SEIT Somaliland ee la kala jebiyey, loona sameeyo gudoon mideysan.

3. In habraacyada la sameynayo lagu tixgeliyo duruufaha gaarka u ah doorashada xildhibaanada ka soojeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo mudnaanta iyo miisaanka ay leeyihiin la siiyo odayaasha dhaqanka ee ku jira 135ta, maadaama ay yihiin madam keliya ee aanu haysano.

4. In goobta doorashada iyo amnigeedu noqdaan kuwo laysku haleyn karo oo u siman Odayaasha dhaqanka, ergooyinka iyo musharaxiinta, si furana ay u imaan karaan warbaahinta iyo goobjoogyaasha kale.

"Golaha Siyaasiyiinta Somaliland (Somali Political Council) ee uu hogaamiyo Gudoomiye Cabdi Xaashi wuxuu 11-kii bilood ee la soo dhaafay u halgamayey ama ku hadlayey codka iyo rabitaanka Bulshada, Siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta Reer Waqooyi ee doonaya in ay maamushaan oo u madaxbananadaan doorashadooda," ayay raaciyeen.

Shirkan maanta ka bilowday magaala madaxda waddanka ayaa lagu waddaa in arrimaha diiradda lagu saarayo ay kamid tahay sidii Beesha Caalamka u bixin lahayd qoondada ka hartey maalgelinta doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM