Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo xoghaye cusub yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u magacaabay Dr. Maxamed Ibraahim Nuur in uu noqdo xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

Mr Nuur oo saaxada siyaasadda ku cusub ayaa bedelaya Cabdirsaaq Caato kaasoo kamid ahaa gacanyarayaasha madaxweyne Farmaajo isla markaana jagadan loo dhiibay markii uu is-casilay Xasan Cali Khayre.

Caato oo xilka si ku meelgaar ah u hayey ayaa 1-dii August, 2020 waxaa laga xayuubiyey xilka isaga oo lagu bedelay Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim.

Inkasta oo kalkii dambe dib loogu magacaabay xilkaas, haddana eryidaas waxay timid ka gedaal markii uu ku lug-yeeshay fal la doonayey in gaari Bullef-proof ah loogala wareego mas'uul ku dhowaa Khayre.

Xoghayaha cusub oo kamid ahaa bareyaasha jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa siyaasadda soo galay ka gedaal markii uu dhowaan lataliye sarre u magacaabay hogaamiyaha Koonfur Galbeed, C/casiis Laftagareen.

Laftagareen ayaa kamid ah madaxda maamul goboleedyadda daacadda u ah madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo kaasoo uu damac ugu jiro in uu difaacdo kursigiisa doorashooyinka 2020-21.

Magacaabida Dr Maxamed Ibraahim Nuur ayaa la rumeysan yahay in Villa Soomaaliya ay dooneyso in ay daacadnimo ugu muujiso Laftagareen si uu ugu soo xulo liiska Xildhibaanadda ay u gudbin doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM