Xafladda Dhaarinta Barlamanka Somalia oo socota iyo waddooyinka Muqdishu oo xiran

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Munaasabad lagu dhaarinayo xubnaha cusub ee Barlamanka 10-aad ee dowladda Federaalka Somalia, ayaa kasocota magaalada Muqdishu gaar ahaan xarunta tababarka Booliiska ee Jeneraal Kaahiye.

Xafladda dhaarinta, waxaa maqan dhammaan mas'uuliyiinta dowladda waqtigeedu dhammaaday ee Somalia, safiirrada beesha caalamka marka laga reebo kan turkiga.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la marayay ilaa ku dhawaad 10 baaritaan, iyadoo sidoo kale la xiray dhammaan waddooyinka Muqdishu islamarkaana la joojiyay inay gaadiidku isticmaalaan.

Furitaankii xafladdan oo furay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa tilmaamay inay maanta isugu yimaadeen ilaa saddex ujeedo oo kala ah; in la dhaariyo, inay doortaan ruuxa ugu da'da weyn si uu u shir guddoomiyo inta laga helayo Guddoomiye rasmi ah iyo inay samaystaan xeer hoosaadka goluhu ku dhaqmi doono inta laga dooranayo Madaxweynaha iyo Afhayeenka Barlamanka.

Waxaa lagu wadaa in maanta la dhaariyo dhammaan gaaraya 296 Xildhibaan oo lasiiyay kaararka Aqoonsiga.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Avv. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa Mudanayaasha labada Aqal ku dhaarinaya xoolka loo asteeyay, waxaana loo dhaarinayaa min 30 Xildhibaan, waxayna gacanta midig saarayaan Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo miis dushiis la saaray.

Dhaarinta oo dib uga dhacday 15 bishii hore, ayaa lagusoo beegay xilli beesha caalamka dood ka qabto xubno madashu fasaxday iyo kuwa lagu kordhiyay Aqalka Sare.

Xubno kamid ah kuwa la dhaariyay oo la hadlay GO, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin xilka loo igmada iyagoo sheegay inay ka shaqayn doonaan maslaxadda umadda Somaliyeed.

Xildhibaanada la doortay ayaa isugu jira kuwo ku cusub saaxadda siyaasadda iyo kuwo katirsan Baarlamankii hadda waqtigu ka dhammaaday, waxaana la sugayaa waxa ay kaga badalnaadaan kuwii iyaga ka horeeyay oo lagu dhaliilay inaysan kasoo bixin waajibaadkii qaran ee loo dhiibay iyagoo markasta eegayay maslaxadooda gaarka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 11:06AM