Xamse Cabdi oo taageero u helay aragtidiisa kaalinta haweenka

Image
Image
Image
Ra'iisul Wasaaraha ayaa qaabilay wafdi ay hoggaamineysay Agaasimaha Fulinta ee hey’adda UNFPA, Dr Natalia Kanem.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay wafdi ay hoggaamineysay Agaasimaha Fulinta ee hey’adda UNFPA, Dr Natalia Kanem oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Xamse ayaa uga mahadceliyay madaxda hey’adda taageerada iyo hawsha ay mudada dheer ka wadeen Soomaaliya, gaar taageerada ay siiyaan haweenka iyo gabdhaha.

Dhinaceeda, Kanem waxa ay sheegtay inay taageersan tahay aragtida Ra’iisul Wasaaraha ee ah in iyada oo la isticmaalayo waxbarashada iyo dhaqaalaha kor loogu qaado doorka haweenka iyo gabdhuhu ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, taasi oo ah qaabka ugu habboon lagu gaarsiin karo horumar la taaban waara.

Dhanka kale, wasiirka koowaad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed oo maalmahaan magaalada Muqdisho ku lahaa shir ay soo agaasintay wasaaradda Duulista ee XFS.

Wasiirrada ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey nuxurka iyo natiijadii kasoo baxday shirkii ugu soo gebageboobay magaalada Muqdisho oo ay uga wada hadleen qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaaradaha.

Geesta kale, Xamse ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Filand ee Soomaaliya, Pirkka Tapiola, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dadaallada dib-u-xoreynta ee dowladdu ay ku ciribtiteyso kooxda khawaarijta ah.

Mr. Pirkka Tapiola ayaa wuxuu bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dib-u-xoreynta, waxuuna caddeeyay in dowladda Filand ay joogteynesyo garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM