Xamse Cabdi: Waxaan la wareegay dal ay argagixiso ka taliso

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay xireen 250 xisaabaad oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen 4 bangi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo meel fagaaro ah kula hadlayay jaaliyadda Soomaalida Masar ayaa markii ugu horeysey faahfaahin ka bixiyay dagaalka dhaqaalaha ee lagula jiro Al-Shabaab.

Xamse Cabdi Bare ayaa sheegay in Alshabaab ay markii hore gaareen heer iyaga ay "maalgeliyaan" ururada kale ee argagixisada Afrika, Soomaaliyana ka abaabulaan duulaanada dunida kale lagu qaado.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa xusay in adduunyada go’aansaday qorshe lagu magacaabo ‘halkooda ku haya’ ama waxa loo yaqaano "containment policy".

"Waxaan la wareegnay dal ay argagixiso ka taliso miyi iyo magaalo taasaa nagu qasabtey in aan abaabulo dagaal saf ballaaran oo ka dhan ah Khawaariijta," ayuu ka dhawaajiyey.

Balse wuxuu caddeeyay in dagaalkii ay xukuumadda ku qaadday ururkan, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha lagu xirey 250 sanduuq bangi oo ay ku lahaayeen 4 bangi oo Soomaaliya ku yaala.

Wallow uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya warkiisa, Xamse ayaa hoosta ka xariiqay in ay xireen 70 nambar taleefoon oo lacagaha danabaysan loogu dirayay.

Lacagahan ayuu tibaaxay in dowladda meel ku hayso, dadkii xoogga looga qaadana loo ballanqaaday in dowladda siin doonto lacagtooda. Ma uusan sheegin cadadka lacagaha illaa hadda laga xayiray Al-Shabaab.

Xoolihii ay ka uruursan jireen reer miyiga ayuu ka shanqariyey in ay meesha ka baxday kadib markii ururkani laga saaray deegaano badan, taasina ay ka qeybqaadatay in qalalaase dhaqaale uu soo wajoho Al-Shabaab.

Tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamuud dib loogu doortey madaxtinimada Soomaaliya May, 2022, maamulkiisa ayaa hogaamiyey dagaal saddex geesood oo ka dhan ah Al-Shabaab - ciidan ahaan, feker ahaan iyo dhaqaale ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM