Xanuun aan weli la aqoonsan oo 10 qof Muqdisho ku diley

Image

December 11, 2014 (GO)- Ugu yaraan toban qof ayaa 24tii saac ee ugu dambeeyey xanuun aan ilaa iyo hadda la garaneyn ugu geeriyoodey degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir tiro boqol ka badanna isbitaallada ayaa la dhigay.

Wararka Muqdisho laga helayo ayaa sheegaya in dadkaasi ku sumeebeen biyo ay ka cabeen ceel dhowaan degmadaas laga qoday.

Bukaannada xanuunkani soo ritey waxaa lagu arkay calaamado shuban iyo mantag kamid yihiin, waxaana cabsi laga qabaa in cudurkaasi yahay shuban-biyood. 

Xilliyada roobabka waxaa magaalada Muqdisho oo iyadu nadaafad ahaan aan wanaagsaneyn ka dilaaca cudurro uu shuban-biyoodu kamid yahay.

Xeel dheereyaasha caafimaadka ayaa si joogto ah uga diga in biyaha laga cabo ceelasha laga dhex qodo xaafadaha, maadama ay suurogal tahay in godadka suuliyaashu wasakheeyaan biyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM