Xaqiijinta qoondada haweenka ee doorashada oo laga shiray

Image
Image
Image
Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa is-faham buuxa ka gaarey qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Afrika Mss. Martha Ama Akyaa Pobee oo booqasho ku timid dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Afrika, ayaa ka wada hadlay  qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha BFS.

Intii uu kulanku socday waxaa sidoo kale looga wada hadlay Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Mashaariicda Horumarinta ee QM ka fuliso Soomaaliya iyo xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha kala duwan ee QM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM