Xarumaha Shabaab Jilib oo la weeraray

Image

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada dhexe ee Somalia, ayaa sheegay in diyaarado aan la aqoon halka laga leeyahay xalay duqaymo ka fuliyeen gobolkaasi iyagoo beegsaday saldhig Shabaab leeyihiin oo ku yaalla magalada Jilib.

Duqeyntan ayaa lala beegsaday garaash baabuurta dagaalka la dhigo iyo xarun ciidan, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyo iyo madax ka tirsan ururka Al-Shabaab, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramay in weerarkaasi ka dhasheen khasaaro nafeed iyo mid maal, waloow aysan jirin ilo lagu kalsoonaan karo oo tafaasiilinay duqayntaasi xalay dhacday.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay sideed ka mid ah maleeshiyada al-Shabaab iyo saraakiil, islamarkaana lagu dhaawacay afar kale.

Dhinaca Al-Shabaab majirto wax war ah oo kasoo baxay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM