Xarunta dowlada hoose ee degmada Kismaayo oo bam lagu tuuray

Image

November 11, 2014 (GO)-  Bumbo nooca gacanta ah ayaa  saaka lagu tuuray xarunta dowlada hoose ee degmada Kismaayo.

Bamka oo laga soo ridey dhabarka dambe ee xarunta waxaa ku dhaawacmay shan qof oo qaarkood yihiin shaqaale ka tirsan dowlada hoose.

Goobta qaraxu ka dhacay oo ku dhow saldhigga booliska degmada waxaa qaraxa kadib soo gaarey booliska oo halkaas ka sameeyey baaritaan mudo kooban socdey.

Qaraxan ayaa kuso aadaya maalin kadib markii labo qarax oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Jubaland magaalada Kismaayo ka dhaceen.

Al-shabaab ayaa kordhisey weerarada ay ka geysaneyso magaalada Kismaayo laga soo bilaabo markii ciidamada Jubaland oo kaashanaya kuwa AMISOM bilaabeen hawlgalka balaaran ee Al-shabaab looga sifeynayo Jubbooyinka iyo Gedo.

Shalay kooxdu waxay dib uga baxday jaziiradda Kudhaa oo saddex maalmood kahor ay qabsatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM