Xasan iyo Ruto oo "fulinaya" heshiiskii Jaadka iyo Kaluunka

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa isku-dayday in ay qariso is-fahamka lambada hogaamiye.

NAIROBI, Kenya - Madaxwayneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, Hassan Sheikh Mohamud iyo William Samoei Ruto, ayaa Arbacada maanta ah waxay ku kulmeen Madaxtooyadda magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Ruto ayaa shaaciyey in uu Xasan kala hadlay arrimo ay kamid yihiin ammaanka, ganacsiga — oo ay ku jirto fulinta heshiiskii is-dhaafsiga Jaadka iyo Kaluunka — iyo isku-socodka labada dal.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sidda looga bartey isku-dayday in ay bulshadda ka marin habaabiso natiijadda wadahadalkii Hassan Sheikh iyo William Ruto.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in ay labada hogaamiye isla-qaateen "xoojinta iskaashiga dhanka ammaanka iyo ganacsiga". Tani waa isku-day ay Madaxtooyada ku qarineyso qodobka la xiriira Jaadka iyo Kaluunka.

Xasan Sheekh ayaa heshiiska is-dhaafsiga Jaadka iyo Kaluunka wuxuu la saxiixdey Uhuru Kenyatta booqashadiisii ugu horeysay oo uu ku tagay Nairobi kahor inta aysan Kenya ka dhici doorashadda 9-kii August, 2022.

Sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah ee Kenya, ganacsatadda Jaadka Kenya ayaa Soomaaliya u soo dhoofiyey shixnado maandooriyahan ah oo lagu qiimeeyay in ka badan 2 milyan saddexdii bil ugu dambeysay.

Soomaaliya ayaa illaa haatan waxaan lasoo warin wax Kaluun ah oo ay u iib-geysay ama u dhoofisay Kenya. Tani waxay ka dhigan tahay in uusan jirin wax faa'iido ah oo Muqdisho ay ka sameysay heshiiskan ay gashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM