Xasan Sheekh: Boqolaal bilyan deyn ah ayaan qaadaneynaa

Image
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa hadalkan ku sheegay muuqaal laga soo duubay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaadaneysa boqolaal bilyan doolar-ka Mareykanka oo deyn ah, sidda uu Talaadada maanta ah shaaciyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Muuqaal ay ka duubtey kooxdiisa warfaafinta ayuu ku shaaciyey in lacagtan ay xukuumadda federaalka ku hirgelineyso mashaariic horumarineed sidda isbitaalo iyo iskuulo waaweyn guud ahaan waddanka.

Deynta haatan Soomaaliya looga leeyahay guud ahaan caalamka ayuu ku nuux-nuux-sadey in la cafin doono dhowaan. Lacagtan ayaa waxay ka badan tahay shan bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

"Shan bilyan ayaan la tacaaleynay muddo sanado ah in nagala cafiyo. Boqolaal bilyan oo deyn ah ayaan qaadan doonaa ileen dalka in aan dhisno ayaan u baahanahay," ayuu carabka ku adkeeyay Xasan.

Dhaqaalayahanada ayaa walwal ka muujiyey boqolaalkaas bilyan deynta cusub ah ee madaxwaynuhu ka dhawaajiyey in dalka qaadanayo, iyaga oo aaminsan in ay "khatar geli karto" kaabayaasha dakhliga.

Bogaadinta qabsashada Aadan Yabaal

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa bogaadiyey la wareegida ciidamadda xoogga iyo dadka degaanka ee degmadda Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaasoo Al-Shabaab haysatay tan iyo 2016-dii.

Warbaahinta gaar ahaan website-yadda oo kamid ah ilalaha ugu muhiimsan ee dhacdooyinka dalka ayuu si aan toos ahayn ugu eedeeyay in ay faafiyaan warar "u adeegaya Al-Shabaab" iyaga oo aan is-gayn.

"Dadka qaar ogaal la'aan ayay ugu shaqeeyaan Shabaab. Dad sharaf iyo karaamo leh inta ay sawiradooda iyo hadaladooda soo qaataan ayay website-yadooda soo geliyaan," ayuu ka shanqariyey Xasan Sheekh.

Wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa bilooyin kahor waxay mamnuucdey faafinta fikradaha iyo dacaayadaha Al-Shabaab xilli saxaafadda aysan horeyba u baahin jirin wararka noocaas.

Ururadda u dooda xuquuqda saxafiyiinta ayaa walaac ka muujiyey go'aankan waxaana ay sheegeen in uu noqon karo isku-day la doonayo in lagu aamusiyo warfidiyeenadda xorta ah iyaga oo dalbadey dib-u-eegis daahfuran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aankii dowladda Federaalka ee heshiisyada Imaaraadka oo la kulmay diidmo adag

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin diidmada wadajirka ah ee ka timid Jubaland, Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 09:18AM

Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya oo booqasho lama-filaan ah ku tegay Muqdisho

Socdaalkan ayaa yimid maalmo yar ka dib markii Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, uu dalkiisa ku martigaliyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 08:35AM