Xasan Sheekh "Dagaalka Puntland kasocda kama duwana kuwa kale ee dalka"
MUQDISHU- Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaalka ka socada deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Nugal ee u dhaxeeya mallayshiyaad la tuhunsanyahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab iyo ciidanka maamulkaasi.
Xasan Sheekh, ayaa sheegay in dagaalkan kasoo cusboonay Puntland ka xunyihiin islamarkaana mallayshiyaadka Shabaab dhibaato xooggan ku hayaan guud ahaan dalka Somalia, wuxuunta intaasi raaciyay inay hadafka dowladdu tahay sidii kooxdan looga sifayn lahaa guud ahaan waddanka.
Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabad qorshaheedu ahaa sidii la isu waafajin lahaa shaqooyinka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka, ayuu ka yiri in dagaalka kasocda Puntland uusan ka duwanayn weerarada kooxdan ka fuliso gobollada dalka, balse ay tahay ugub inay beegsadaan deegaano nabdoon.
"Dagaalka Puntland kasocda noogama duwana hadaan Federaalka nahay midka an kawadaan Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe, Jubbada dhexe, Baay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo Galgaduud, noogama duwana midka maanta kasocda Garmaal, Garacad iyo Agagaarkeed ee ay wadaan kooxdan,"Ayuu Madaxweynaha Somalia.
Waxaa uu sheegay inay dowladda Federalka ah wixii awoodeeda ah dagaalkaasi kaga qayb qaadanayso si meesha looga saaro falalka amni darro ee Shabaab kawadaan dadka iyagoo aysan jirin cid iyo maamul gooni ah oo ay u turayaan.
"Kolay annaga dagaalka waa sidiisii waana socdaa, lagamana caajisayo, laakiin deegaanada uu kasoo cusboonaaday ee Puntland ku yaalla meelo muddo dheer nabad ahaa ee nabad diidku ka jirin waaye. Dadka Somaliyeed digniinay u tahay, meel la dhaafayo iyo cid nimankan nabad diidka ah cafinayaan inaysan jirin,"Ayuu yiri Xasan Sheekh.
Hadalka Madaxweynaha Somalia ayaa kusoo aadaya xilli wali uu socdo dagaal xooggan oo Puntland la gashay mallayshiyaad la saadaalinayo inay xiriir la leeyihiin kooxda Shabaab ee dagaalka kawada gobollada kale ee waddanka, waxaan howlgalkan oo bilowday Bartamaha Asbuucii hore uu marayaa meel gabo gabo ah siday saraakiisha amnigu.
GAROWEONLINE