Xasan Sheekh iyo Maxamed bin Salmaan oo wadahadalo yeeshay

Image
Dhaxal-sugaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Sacuudiga ayaa qaabilay madaxweynaha Soomaaliya.

RIYADH, Saudi Arabia - Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasiis, dhaxal-sugaha iyo ra’iisul wasaaraha boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa halkan ku qaabilay Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, kulanka ayaa lagu lafo-guray dhinacyada xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa dhinacyada kala duwan.

Dhanka Sacuudiga, kulanka waxaa goob joog ka ahaa Amiir Abdulaziz bin Salman bin Abdulaziz, Wasiirka Tamarta; Amiir Turki bin Mohammed bin Fahad bin Abdulaziz, Wasiiru Dowlaha iyo Xubinta Golaha Wasiirada; Amiir Abdulaziz bin Turki Al-Faisal, Wasiirka Isboortiga; Amiir Abdulaziz bin Saud bin Naif bin Abdulaziz, Wasiirka Arrimaha Gudaha; Amiir Abdullah bin Bandar bin Abdulaziz, Wasiirka Difaaca Qaranka; Amiir Khalid bin Salman bin Abdulaziz, Wasiirka Difaaca; Amiir Faysal bin Farhan bin Abdullah, Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Warar ayaa sheegaya in qodobada laga wada hadlay ay kamid tahay mashaariicda horumarinta gaar ahaan arrimaha ku xeeran shidaalka iyo sidii Soomaaliya looga gacan-siin lahaa soo saarista kheyraadkan.

Sidoo kale, waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Xukuumadda, Xubin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Dr. Musaed bin Mohammed Al-Aiban, iyo mas’uuliyiin badan oo labada dhinac ah.

Dhinaca Soomaaliya, kulanka waxaa kasoo muuqdey wasiirka arrimaha dibadda Abshir Huruushe iyo mas'uuliyiin kale kuwaasoo wehliyey madaxwayne Xasan Sheekh maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa wuxuu ka dhoofay boqortooyada Sacuudi Carabiya isaga oo ku wajahan Mareykanka halkaasoo uu uga qeybgeli doono shirka Ameerika iyo wadamada Afrika uuna gudoomin doono Joe Biden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM