Xasan Sheekh iyo Nicholas Kay oo ka shirey Higsiga 2016

Image

April 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Kay.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadley xaaladda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan dardar gelinta barnaamijyda Hiigsiga 2016  iyo dib u heshiisiinta , hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo arrimo kale.

Madaxweynha ayaa sheegay in xukuumadda, baarlamanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshaduba ku guda jiraan hawlo kala duwan oo la doonayo in lagu xaqiijiyo Hiigsiga 2016-ka, isagoo intaas raaciyey in rajada la qabo hirgelinta yoolka 2016 ay tahay mid wanaagsan.

Danjire Nicholas Kay ayaa isna soo dhoweeyay horumarka laga sameeyey dhanka siyaasadda  isagoo xusey in Qaramada Midoobey ay go'an tahay sidii Soomaaliya u noqon lahaa dal xasilloon oo dimuqraadi ah.

Beesha caalamka ayaa cadaadis ku saareysa Dowladda Federaalka inay hirgeliso Higsiga 2016 xilli cabsi laga qabo in dowladdu waqtiga kororsato.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM