Xasan Sheekh iyo Sharmaake oo ka hadlay Go'aanka ICJ
MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee dalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa caawa ka hadlay go'aan kasoo baxay maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ kaasoo ay ku ogolaatay inay qaado dacwadda kiiska muranka biyaha ku saabsan ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Somalia.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabadaas ay tahay mid ay ku farxayaan dhammaan shacabka Somaliyeed isagoo tilmaamay inuu yahay dadaal ay sameeyeen, wuxuuna bulshada ka codsaday inay ALLE k baryaan sidii guushu dhinacooda u ahaan lahayd.
Dhinaca kale Ra'isal wasaaraha waqtigiisu dhammaday ahna murashax u taagan Madaxweynaha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ku saabsanaa Soohdinta Badda.
“Waxaan ku kalsooneyn in Soomaaliya ay ku guuleysaneyso dacwadaan. Maanta, waxaan aragnaa natiijada dadaalka xukuumadaha ku meel gaarka iyo xukuumadda hadda jirta ay ugu jireen difaaca xuduudaheena. Waa dadaal isku dhaf ah oo loo galay difaaca israacsanaanta dhulkeena,” Ayuu yiri mudane Sharmake.
“Waxaan u hambalyeynayaa qareenada Soomaaliyeed ee ka dooday dacwadaan muhiimka ah. Waxaan rabaa in aan xasuusiyo Soomaalida, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, in ay muhiim tahay in hal hadaf la wada yeesho. Dacwadaan waxaa ay ka dhexeysaa labo dal ee ka ma dhexeyso Soomaali. Waa in hadafku uu noqdaa in lagu guuleysto dacwada oo la difaaco xuduudaheena ee maahan hadafku in loo adeegso hadaf siyaasadeed . Waxaan idiin sheegayaa in marxaladdan ay tahay mid taariikhi ah,” ayuu yiri.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ka codsatay maxkamadda in ay calaamadeyso soohdinta badda, go’aanna ay ka gaarto xuduudda.
Soo dhaweynta mas'uuliyiinta ayaa kusoo aaday xilli ay loollan ugu jiraan hanashada xilka Madaxweynaha doorashada dhici doonta 08 February, 2017.
GAROWEONLINE