Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Image

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ayaa gaaray heshiis ay ku soo afjarayaan tabashooyin iyo khilaafyo shakhsiyeed oo u dhexeeyay.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan tan ka dhalatay aragtiyaha kala duwan ee la xiriira hanaanka doorashooyinka soo socda.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Himilo Qaran, labada hoggaamiye ayaa isku afgartay in la joojiyo isfaham waaga shaqsiga ah isla markaana la xoojiyo wadahadalka siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay diyaar garow ah in la qabto shir wadatashi qaran, si loo helo heshiis ballaaran oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka, halka Shariif Sheekh Axmed uu ballan qaaday inuu door muuqda ka qaadan doono dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed.

Heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo lagu dhimayo khilaafka siyaasadeed ee dalka, inkastoo weli ay jiraan caqabado la xiriira doorashooyinka iyo is-afgaradka guud ee hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM