Xasan Sheekh iyo Siilaanyo oo dalka Jabuuti ku kulmey

Image

December 20, 2014 (GO)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa casumaad rasmi ah u fidiyey Madaxweyneyaasha Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Maxamed Siilaanyo oo gelinkii hore ee maanta ka kala dhoofay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa ayaa kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay madaxtoyada Jabuuti.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo qodobada labada dhinac ka wada hadleen waxaase warar hoose oo warbaahintu heshay tibaaxayaan in arimaha labada mas'uul isla soo qaadeen ugu muhiimsaneyd sidii loosii amba qaadi lahaa wada hadaladdii socdey ee hakadku ku yimid.

Kulanka Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ayaa imaanaya bilo kadib markii Somaliland sheegtay inay ka fiirsanayso dib u bilaabista wada hadalkii u socdey iyaga iyo dowladda Muqdisho.

Go'aankaas isaga ah Somaliland waxay ku sababaysey Dowlada Federaalka oo ka caga jiideysa wada hadallada iyo weliba fulinta qodobadii lagu kala saxiixday heshiiskii ka dhacay dalka Turkiga.

Labo maalmood kahor, hay'adda maamusha duulimaadka rayidka ee dunida ICAO ayaa Dowladda Federaalka kusoo wareejisey maamulka hawada dalka oo muddo labaatan sano ka badan hay'addaasi gacanta ku haysey.

Somaliland oo iyadu horay u sheegtay inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale, waxay go'aankaas ku tilmaantay mid aan sax ahayn maadaama hawada dalka oo dhan aan Muqdisho laga maamuli karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM