Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Image

ISTANBUL — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan doonayn in Israa’iil ay joogitaan ka samaysato Somaliland, isaga oo ka digay in aqoonsiga ay Tel Aviv siisay gobolka gooni-goosadka ah uu halis gelinayo xasilloonida guud ee Geeska Afrika, kuna keeni karo xiisado hor leh “gobol aad u nugul.”

Wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka qaranka Turkiga ee TRT World, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya aysan wax colaad ah la lahayn Israa’iil, isla markaana aysan marnaba dhibaato u geysan.

“Marna Israa’iil ma aanan weerarin. Marna dhibaato uma aanan abuurin Israa’iil. Ma doonayno in Israa’iil ay noogu timaaddo oo ay dhibaatooyinkeeda noo soo qaaddo,” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ficillada Israa’iil ee dhowaanahan aysan waafaqsanayn sharciga caalamiga ah, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalka Gaza iyo colaadaha soo jireenka ah ee Bariga Dhexe.

“Aad bay u murugo badan tahay in arrimahaas hadda loo soo wareejiyo Soomaaliya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la xiriirtay beesha caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Bulshada Bariga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo dhammaantood si cad u taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wuxuu xusay in gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay muddo dheer la daalaa-dhacayeen caqabado gooni-goosad ah, balse dowladda federaalka ay mar walba doorbiday in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal nabadeed.

“Dowladda Soomaaliya waligeed iskuma dayin inay xoog adeegsato, dagaal gasho ama xitaa cadaadis diblomaasiyadeed ku saarto dadkaas,” ayuu raaciyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Turkigu uu door dhexdhexaadin ah ka qaatay wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo xusay shirar la qabtay 2015 iyo in Ankara ay weli wakiil ku leedahay Hargeysa si wada-hadalku u sii socdo.

Wuxuu ku ammaanay Turkiga taageerada joogtada ah ee uu u muujiyo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo sheegay in Ankara ay dhaqan u leedahay garab istaagga dadka dulman.

Madaxweynaha ayaa ku celiyay in aqoonsiga Israa’iil uu khatar u yahay “gobol aad u xasaasi ah,” balse uu sheegay in Soomaaliya weli haysato taageerada beesha caalamka.

Wuxuu xusay in arrintan ay tahay mid halis gaar ah leh, marka la eego tallaabooyinka Israa’iil ee ka socda Falastiin, Suuriya iyo Lubnaan, iyo weliba walaacyada ku saabsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika — halkaas oo Soomaaliya ay horey ula dagaallamayso Daacish iyo Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digay in joogitaanka Israa’iil uu sababi karo dib-u-kicid colaadeed oo ka dhacda Soomaaliya iyo dalalka dariska ah ee ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo Gacanka Carabta, isagoo xusay xiriirrada colaadeysan ee Israa’iil la leedahay Xuutiyiinta Yemen iyo Iiraan.

“Haddii Israa’iil ay Somaliland ka dhigato dhul wakiil u ah oo lagu weeraro danaha dadka kale, dadkaasna way iska difaaci doonaan, taasoo weerarro ka dhigi karta Somaliland iyo Soomaaliya, mana noqon doonto khibrad wanaagsan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si cad u diideen suurtagalnimada saldhig militari oo Israa’iil ka samaysato Somaliland ama in Falastiiniyiin si qasab ah halkaas loogu raro.

Horey, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay telefishinka Al Jazeera ee Qatar in Somaliland ay ogolaatay in ay dib u dejiso Falastiiniyiin, martigeliso saldhig militari oo Israa’iil leedahay, isla markaana ku biirto Heshiisyada Abraham, si ay Israa’iil u aqoonsato — isagoo tixraacaya warbixinno sirdoon.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa muujiyay iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo sheegay in wada-shaqeyntoodu ay ku fidsan tahay difaaca, amniga, maalgashiga, khayraadka dabiiciga ah, arrimaha badaha iyo “Dhaqaalaha Buluugga ah.”

Wuxuu sheegay inuu dhowaan la wadaagay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan horumarka Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta iyo dhismaha dowladnimada, isla markaana ay ka wada hadleen dardar-gelinta mashaariicda wadajirka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalgashiga shisheeye uu si hubaal ah u iman doono Soomaaliya, isagoo xusay in maalgashigii hore ee Turkiga uu furay albaabada suuqyada caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada saliidda iyo gaaska.

Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay ku dhowdahay inay noqoto dal soo saara shidaal, isla markaana Turkigu uu heli doono fursad uu ku soo saaro saliid tiknoolajiyaddiisa gaarka ah.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in Turkigu dhammeeyay daraasadaha iyo naqshadeynta deked hawada sare (space port) oo laga dhisayo Soomaaliya, isla markaana wajigii koowaad ee dhismaha uu si rasmi ah u billowday.

Related Articles