Xasan Sheekh "Madaxweynaha Jubaland lama oran karo hogaamiye"

Image

December 19, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho muddo saacado ah qaadatey ku tegey magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan hogaamiye loogu yeeri doonin Axmed Madoobe balse si rasmi ah loo oran doono Madaxweynaha Jubaland.

Xasan Sheekh oo la weydiiyey ujeedada ka dambeysa arintan wuxuu sheegay in  labada dhinac [Dowlada Federaalka iyo Jubaland] horumar ka sameeyeen qodobadii horay loogu heshiiyey sidaas darteed xilligan ku haboon tahay in qodobada qaar wax laga bedelo.

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in sababta arintan ka dambeysaa tahay maadaama madaxda Jubaland dood ka keeneen sababta Shariif Xasan oo hogaamiya maamulka kumeel gaarka ah ee koonfur galbeed loogu yeero madaxweyne, Axmed Madoobana loo oranayo hogaamiye.

October 28, 2014 ayey ahayd markii maamulka Jubba iyo Dowladda Federaalku magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdeen heshiis 23 qodob ka koobnaa.

Qodobada heshiiskaasi dhigayey waxaa kamid ahaa in Axmed Maxamed Islaan loogu yeero hoggaamiye iyo weliba in maamulku noqdo mid kumeel gaar ah oo mudadiisu tahay labo sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM