Xasan Sheekh Maxamuud oo buriyey saddex xeer madaxwayne

Image
Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ayaa kal hore xeerarkan ku sifeeyay kuwa baalmarsan dastuurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniinta maanta ah baabi'iyey saddex xeer madaxwayne oo uu soo saarey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sanadka markii uu ahaa 2020-kii.

Sida laga soo xigtey Villa Soomaaliya, talaabada Xasan Sheekh ayaa ku saleysan go'aan uu horey u soo saarey Aqalka Sarre kaasoo ku sifeeyay xeerarkan kuwa baalmarsan dastuurka.

Xeerarka la buriyey ayaa kala ah;
 
1- Xeer Madaxweyne Lr.40 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 9aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
 
2- Xeer Madaxweyne Lr.42 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Wax-ka Bedelidda Qodobka 10aad ee Sharciga Lagu Dhisay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.
 
3- Xeer Madaxweyne Lr.41 oo ku taariikhaysan 31/12/2020, kuna saabsan Ansixinta Sharciga Hey’ada Diiwaan-Gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliya.

Xukuumadda ayuu faray in ay soo dhisto Xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga a Madaxa-Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Xasan Sheekh Maxamuud baabi'iyo xeerar uu soo saarey mas'uulkii xafiiska uga horeeyay Farmaajo kaasoo si weyn loo dhaleeceeyay go'aanadii uu qaatay bilooyinkii ugu dambeeyay xukunkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM