Xasan Sheekh Maxamuud oo u socdaalay Imaaraadka Carabta

Image
Safarkan ayaa noqonaya mid kii ugu horeeyey uu dalka dibadiisa ugu baxo tan iyo intii la doortey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axada maanta ah wuxuu u socdaalay Imaaraadka Carabta kadib marti-qaad uu ka helay dhigiisa Sheekh Maxamed Binu Sayid.

Ra'iisul wasaaraha xilka kasii dagaya Maxamed Xuseen Rooble oo bilo kahor kasoo laabtey Abu Dhabi ayaa Xasan Sheekh kasii sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lasoo bandhigay fahfaahin kooban oo ku saabsan ujeedada socdaalka iyo qodobadda uu kala xaajoon doono dhigiisa Imaaraadka.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraalka. 

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan".

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya mid kii ugu horeeyey uu dalka dibadiisa ugu baxo tan iyo intii la doortey 15-ka bishii May ee sanadkan aan ku guda jirno ee 2022-da.

Cilaaqaadka ka dhaxeeya Dowlada Soomaaliya oo uu madaxweynaha ka ahaa Farmajo iyo Imaraadka Carabta ayaa aad u liitay shantii sano ee lasoo dhaafay iyadda oo Muqdisho ay aad ugu dhaweyd Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM