Xasan Sheekh oo booqasho laba casho uga bilaabatay Abu Dhabi

Image
Safarkaan ayaa kusoo aadayo iyada Madaxweynuhu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Madaxtooyadda ayaa intaas ku dartey in uu kala hadli doona madaxda dalkaas xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatku ay u xoojin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Booqashadan oo ah tii ugu horreysay ee Madaxweynaha Soomaaliya, kadib doorashadii 15-kii May ayaa direysa in Imaaraadka uu noqonayo garabka dowladda cusub, halka Qatar ay u muuqato inay kasii dhamaaneeyso Soomaaliya, sida ay ku aheyd 5 sano ee lasoo dhaafay.

Safarkaan ayaa kusoo aadayo iyada Madaxweynuhu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, kaas oo la filayo inuu Madaxweyne horgeeyo BF, si ay u siiyaan kalsoonida.

Imaaraadka ayaa maamulkii Farmaajo ka hor ka mid ahaa dowladaha taageera Soomaaliya waxa uuna Muqdisho ku lahaa xero uu ku tababaro ciidanka milatariga Soomaaliya iyo Isbitaal loogu adeegi jiray bulshada Caasimadda si bilaash ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM