Xasan Sheekh oo diray codsi ku aadan cunaqateyn saaran Soomaaliya

Image
Dalabkan ayuu hor-dhigay diblumaasiyiinta ku sugan Muqdisho kadib markii uu ku qaabilay Villa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Muqdisho waxa uu kula kulmay Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Itoobiya, Wakiillada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa diblumaasiyiinta waxa uu uga warbixiyey miro-dhalka halkan dalka lagaga xoreynayo argixisada Alshabaab.

"Madaxweynaha ayaa xusay sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose, Hiiraan iyo Galguduud, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda in ay ka cirib-tirto dalka argagixisada caqabadda ku noqotay dowladnimada iyo horumarka dadka Soomaaliyeed," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Shacabka iyo dowladda ayuu carabka ku dhuftey "in ay u mideysan yihiin xoreynta dalka, waxa uuna ku adkeeyey Wakiillada Beesha Caalamka in ay ku gacan siiyaan halgankaas, gaar ahaan olalaha qaadista cunaqateynta hubka ee saaran Soomaaliya oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka argagixisada".

"Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku sugan deegaannada la xoreeyey," ayay warisay Villa Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo hagaagaya xilli xukuumadda federaalka ay Arbacada maanta ah shaaca ka dhigtey in howlgaladii ugu dambeeyay ay ciidamadda iyo dadka degaanka ku khaarijiyeen in ka badan 2,000 Al-Shabaab ah balse ma aysan soo bandhigin caddeymo xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM