Xasan Sheekh oo fariin diray shacabka xilli uu ka dhoofay Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore dalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdishu halkaasoo uu ku sugnaa tan iyo markii xilka uu wareejiyay bishii hore.

Xasan Sheekh ayaa u amba baxay dalka Turkiga iyadoo ay horay usii raacday Marwadiisa kowaad iyo qaar kamid ah kaaliyaashiisa, waxaana uu ku safray diyaaradda Turkish Airline.

Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Barlamanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sagootiyay, isagoo ay weheliyaan Wasiirro iyo qaar kamid ah Xildhibaanada labada Aqal ee golaha shacabka.

Xasan Sheekh oo muddo afar sano ah soo maamulayay dalka Somalia, ayaa fariin u diray shacabka xilli uu kasii duulayay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wuxuu ugu baaqay bulshada inay taageeraan dowladda cusub oo ay iska daayaan mucaaradnimada, isagoo soo jeediyay in loo istaago sidii dalkan mudada bur-bursanaa loo dhisi lahaa.

Madaxweynihii hore, ayaa sidoo kale tilmaamay in bulshada Somaliyeed u guntato sidii loo caawin lahaa dadka abaartu ku dhufatay, isagoo xusay in dhammaan shacabka hortaalo mashruuc u baahan in la isu kaashado.

Alle ayuu ka baryay inuu ka dulqaado, dhibaatada iyo abaara ka jira Somalia, wuxuuna tilmaamay in muddo kooban dalkaas ku maqnaan doono islamarkaana kusoo noqon doon dhulkiisa hooyo.

Safarkan ayaa yimid xilli Xasan uu dhawaan ku biiray golaha Barlamanka isagoo la siiyay xubin sharafeed ku dhigan Dastuurka gaar ahaan qodobkiisa 54aad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM