Xasan Sheekh oo fariin ka helay madaxa Golaha Sare ee Suudaan

Image
Dhambaalkan waxaa madaxweynaha Soomaaliya soo gaarsiiyey Sarreeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacada maanta ah wuxuu Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Sarreeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed lagu daabacay ciwaanka Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Ibraahim farriin iyo dhambaal ku saabsan xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol, sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya.

Fariinta ayuu ka siday Guddoomiyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Cabdulfataax Al-burhaan, iyadoo uu ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tallaabooyinka wax ku-oolka ah ee ay u qaadeen nabadda, horumarka iyo wadajirka.

Sidoo kale, Dowladda Suudaan oo haatan ah Guddoonka Urur-Goboleedka Horumarinta Dalalka Bariga Afrika ee IGAD ayaa bogaadisay howlgallada isku-dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaannada ay dadka ku dhibaateynayaan argagixisadu.

Dhambaalka ayaa, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda Qaranka, waxaa lagu tilmaamay doorka wanaagsan ee ay ka soo qaateen dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey wafdigan booqashada qiimaha badan ee ay ku soo gaareen walaalahooda Soomaaliya," ayay tibaaxdey Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Waxa uuna uga warbixiyey guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sida ay u soo dhaweynayso dowladda Soomaaliyeed dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee ka gacan siinaya in Gobolka laga dulqaado argagixisada curyaamisay xasilloonida iyo horumarka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM