Xasan Sheekh oo furay shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe
JOWHAR, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaan halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka gobolkaasi, waxgarad, mas'uuliyiin katirsan xukuumadda waqtigu ka idlaaday iyo xubno katirsan Barlamanka.
Safarka Xasan ayaa salka ku haya dhismaha maamul ay yeeshaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kasoo sannadkan horraantiisa lagu daah furay Jowhar, balse la dhaqaaqi waayay khilaaf hareeyay shirkaas.
Xasan Sheekh ayaa maanta mar kale si rasmi ah u furay shirka, wuxuuna ka jeediyay khudbad uu uga hadlay arrimo ku aadan muhiimadda ay leedahay maamul ay samaystaan labada gobolka (Hiiran iyo Shabeellaha dhexe), isagoo sheegay in loo baahan yahay in la isu tanaasulo isla markaana la is kaashado.
“Dowladu waa fududeeye waa sharciyeeye iyo in ay goob joogka ahaato dhismaha maamulka, qofkii aan rayiga dadka kale tixgelineynin ogaada kiisana lama qaadanayo,” ayuu yiri madaxweynaha dalka.
Wuxuu xusay in odayaasha dhaqanka ee labada gobol looga baahan yahay inay mas’uuliyad isa saaraan isla markaana aysan jirin cid xaqeeda la duudsiin doono.
Mudane Xasan, ayaa khudbadiisa ku xusay in wax kasta oo la bilaabayo ay dhibaato badan leeyihiin, hase ahaatee loo baahan yahay dulqaad, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay dhibaatooyinkii laga soo maray dhismaha maamulada hadda jira.
“Talada adinka ayaa iska leh reer Hiiraan iyo reer Shabeelaha dhexe hadii aad tihiin, waqti badan ayaa idin ka lumay, maamulkiina dhista oo ka qeybgala talada dalka,” ayuu markale sheegay madaxweynaha.
Madaxweynaha waqtiguusu dhammaaday ee xafiiska wali jooga, ayaa soo hadal qaaday warar muddooyinkii dambe la isla dhex marayay kaasoo sheegayay inuu labadan gobolka ka raadinayo Xildhibaano qayb ka qaata doorashiisa, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay kutiri kuteen aan sal iyo raad lahayn.
“Wax ka jira malahan in aan aniga aan doonayo in xildhibaano ii codeysa inaan ka sameysto labadan gobol wararkaasna waa been abuur.”ayuu yiri Madaxweynaha.
Safarkan ayaa uu maanta ku tagay Xasan Sheekh degmada Jowhar, ayaa kusoo aadaysa xilli shalay lagu waday inuu tago halkaas isagoo ay weheliyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas inkastoo uu ka baaqday safarkan maanta uu shirkaasi ku furay.
Lama oga halka uu ku dambayn doono shirkan furmay, balse waxaa hubanti ah inay waxgaradka gobolka Hiiraan wali kasoo horjeedaan qaabka dowladda Somalia u maamulayso madasha maamulka loogu samaynayo labadaasi gobol.
GAROWEONLINE