Xasan Sheekh oo habeenkii labaad ku hoyanaya Balaweyne

Image
Image
Image
Image

22 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigiisa ayaa weli ku sugan magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiraan iyagoo kulamo kala duwan la qaadanaya; Waxgarad, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ah ee ku nool magalada.

Shirar socday ilaa saaka ayaa wararku sheegayaan inay guulo ku soo dhammaadeen, wafdiga ayaa dadka la kulmeen kala hadley qaabkii uga qayb gali lahaayeen shirka maamul u sameynta labada gobol oo dhici doona todobaadka soo socda.

Arrinta kale ee Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay bulshada ayaa ahayd qaabkii looga hortagi lahaa colaad markale ka dhacda caasumadda gobolka Hiiraan, waxaana meel wanaagsan maraysa wadahadal nabadeed oo u dhaxeeyay beelo dhawaan ku dagaallamay degmadaas.

Xaaladda Baladweyne ayaa haatan dagan, waxaana hadal haynta ugu badan tahay shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ee gogoshiisa la dhigay degmada Jowhar.

Lama shaacin waqtiga wafdigu laaban doono iyo halka ay wajihi doonaan, balse dowladda Federalka ayaa dadaal xooggan ugu jirtay qaabkii loo dhisi lahaa maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jubaland oo si kulul u cambaareysay faragelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo

Xaaladda gobolka Gedo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dadaallo hore oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafaadka u dhexeeya Jubaland iyo Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-10-2025

  • 08:32AM

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Charles King

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-10-2025

  • 11:06AM