Xasan Sheekh oo ka hadlay dilka Wasiir Cabaas

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore dowladda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid wasiirk Howlaha Guud iyo dib u dhiska dowladda Somalia, Cabaas Cabdullaah oo caawa geeriyooday kadib markii rasaas lagu furay gaari uu la socday.

Xasan Sheekh ayaa marxuumka ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi fir-fircoon oo qayb ka qaatay dib u dhiska dalka.

Qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa uu ku leeyahay Facebook, mudane Xasan Sheekh tacsi la wadaagay ehelka iyo guud ahaan shacabka Somaliyeed ee marxuum Cabaas uu ka tagay.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka uu Xasan Sheekh soo dhigay Bartiisa Facebook-ga;

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

EEBBE ha u naxariisto Wasiirkii Howlaha Guud, ahaana Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ,Marxuum Cabaas Siraaji oo caawa fiidkii lagu dilay Muqdisho.

Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehellada, Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, samir iyo Iimaan Allah ha inaga wada siiyo, Jannadii Firdowsana REBBE haka waraabiyo.

Marxuum Cabaas, wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada markii ay ku soo biireen Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedraalka sannadkii tegay ee 2016 igu sii dhiira-geliyey yiddediilada rajada tayeeynta dowladnimada Soomaaliyeed.

Marxuumka, wuxuu astaan u ahaa soo kabashada Soomaaliyada cusub. Aad iyo aad baan u aaminsanahay in dhallinyaradu tahay dadka kaliyah ee soo celin kara midnimada iyo Qarannimada ummada Soomaaliyeed, sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa in ay sii xoojiyaan ka qeyb galka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM