Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta bogaadiyay doorka muhiimka ah ee dalka Uganda uu ka ciyaaro amniga Soomaaliya, isagoo xusay in xukuumadda Kampala ay bixiso kharashka ciidamo dheeraad ah oo aan ka tirsanayn kuwa Midowga Afrika (AU).

Madaxweynaha ayaa qiray in ciidamada Uganda ay dhiig iyo dhaqaale badan ku waayeen Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay in Uganda ay weyday qalab milatari oo aad u fara badan intii ay socdeen howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha hubeysan, iyadoo ilaa hadda aysan jirin wax magdhow ah oo ay ka heleen qalabkaas kaga gubaday gudaha dalka.

Hadaladan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, waxayna lakab cusub oo dublamaasiyadeed ku kordhinayaan dood sii xoogaysanaysa oo ka dhalatay hadalkii taliyaha ciidanka Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba.

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya, isagoo su'aal geliyay doorka Ankara ay ku lahayd wejiyadii hore ee howlgalada amniga ee magaalada Muqdisho, xilli uu sheegay in Uganda ay tahay dalka u hurey dhiigga iyo nafta askartiisa xasilinta caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM