​Xasan Sheekh oo ka hadlay maxaabiis ku xiran dalka India

Image

MUQDISHU, Somalia- Todobaadkan, waxaa isa soo tarayay qaylo dhaan ka imaanaysa bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaasoo ka walaacsan dhalinyaro la sheegay in lagu maxkamadeeyay dalka India.

In kastoo safaaradda Somalia ee dalkaasi beenisay xukunka dilka ah ee lagu riday dhalinyaro Somaliyeed oo loo haysto burcadnimo, ayaa hadana madaxweynaha xilku ka dhammaaday Xasan Sheekh uga hadlay siyaabo kala duwan.

Xasan oo qoraal soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Facebook, wuxuu sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii dhalinyaraadaasi loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa sidii muwaadiniinta Soomaalida ee ku xiran India dib dalka loogu soo celin lahaa,"Ayuu ku jira qoraalkiisa Facebook.

Wuxuu sheegay inay muddo labo sano dhexdood ah ka shaqeeyeen sidii dalka loogu soo celin lahaa maxaabiis ku xirnaa dalka dibaddiisa, isagoo rajo ka muujiyay inay socdaalo kale oo miro dhal u dhow.

"Intii u dhexeysa 2012 ilaa 2014 waxay dowladda Soomaaliya ka shaqeysay, kuna guuleysatey sii deynta 98 maxaabiis Soomaali ah oo ku kala xirnaa dalala India iyo Maldives. Waxaana rajeynayaa in dadaalada socda ay mar dhow mira dhali doonaan isla markaana dhallinyarada ku xiran India aan ku guuleysan doono inaan dalka dib ugu soo celino,"Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday, ayaa sidoo kale ammaanay dadaalo ay wadaan wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia iyo Safaaradda dalka ee India.

"Waxaan ku bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya iyo safaaraddeena aan ku leenahay magaalada Delhi oo iyagoo kaashanaya qareenada u doodaya maxaabiista si fiican u gudagaley kiiska wiilashan xiran,"Ayuu hadalkiisa raaciyay Xasan Sheekh.

Arrintan, ayaa timid xilli baraha bulshada iyo mareegaha wax qora aad uga faalloodeen dareenka dowladda Somalia ka bixisay dhalinyaro 50 gaaraya ku silicsan xabsi ku yaalla magaalada Mumbai.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM