Xasan Sheekh oo ka qeybgalay furitaanka shirka Qaramada Midoobay

Image
Image
Image
Madaxweynaha waxaa wehliyo xubno uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Huruuse.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo lagaga arrinsanayo yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasiiloonida iyo nabadda, dagaalka ka dhanka argagixisada, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka degdegga ah iyo dhammaan caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa ka wada Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey Olole ku aaddan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ay kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo danaha iyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Madaxa Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM