Xasan Sheekh oo kamid noqday Baarlamaanka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxa'uud ayaa maanta oo Sabti ah kamid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu dhaariyay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdishu, oo Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta ku laahaayeen kulankooda Labaad, ee Kalfadhiga koowaad.

Xasan Sheekh ayaa ahaan doono Noloshiisa inta ka dhiman Xubin Dastuuri ah oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka Baarlamaanka golaha Maxa'ed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Qodobka 64aad ee dastuurka dalka Somalia, ayaa u ogolaanaya qofkii Madaxweyne ka noqda waddanka in lasiiyo xubin sharafeed Xildhibaanimo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne kasoo ahaa Somalia September, 2012 illaa February, 2017, waxaana uu u tarmayay mar labaad Xafiiska, balse waxaa ka guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka Barlamanka ayaa sidoo kale maanta looga hadlay ajandayaal ay kamid yihiin wax ka bedelka Xeer-hoosaadyada uu kusoo shaqeeyay Baarlamaankii 9-aad, iyo arrimaha gurmadka Abaaraha dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM