​Xasan Sheekh oo la kulmay Ilhaan Cumar [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha waqtigu ka dhammaday Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali iyo muslim-ba ah oo ka mid noqotay golaha wakiillada Xisbiga Dimuqraadiga dalka Mareykanka ee laga soo doorto gobolka Minnesota.

Ilhaan oo weheliyo saygeeda, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Muqdishu, kaasoo la sheegay inuu la xiriiro qaraabo salaan.

Xildhibaanka, ayaa markii ay soo gaartay caasumadda Somalia, loo gudbiyay Villa Somalia, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen saraakiil katirsan madaxtooyada, waxaana qaabilay Xasan Sheekh.

Madaxweynaha, ayaa uga mahadceliyey booqashada ay dalka ku timid, sidoo kale waxa uu ugu hambalyeeyey guulihii ay ka soo gaartay doorashooyinkii  ay ka qeyb-gashay, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay ahayd mid aad u adag.

Mudane Xasan, ayaa sidoo kale tilmaamay in dalka ay ka socdaan doorashooyinkii Qaran oo gabo-gabo ku dhow, sidaa darteedna ay bulshada xog wareysi la yeelato si ay u ogaato dedaalka dowladdu sameysay, iyadoo kaashaneysa shacabka.

Dhan kale Senator Ilhaan Cumar, ayaa farxad iyo reyn Reyn ku sifaysay kulanka ay madaxweyne Xasan Sheekh la yeelatay iyo sida loo soo dhoweeyey, waxyna guul ku sifaysay guulaha laga gaaray arrima doorashada gaar ahaan qoondada haweenka laga siiyay labada Aqalka ee Barlamanka dalka.

Ilhaan ayaa ka soo guuleysatay Phyllis Kahn oo ah haweeeneydii Xisbiga Dimuquraadiga u mataleysay Golaha Wakiilada ee Gobalka iyo Maxamuud Nuur oo ah Soomali isna tartanka ku jiray.

Waxaa sidoo kale la Saadaalinayaa in Xildhibaan Ilhaan booqasho ku timaado deegaanada Puntland gaar ahaan Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM