Safaaradda Mareykanka oo VISA u diiday Xasan Sheekh [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa VISA u diiday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gollaha Arrimaha Caalamka ee gobolka Maine ee dalka Mareykanka oo Xasan Sheekh ku casuumay inuu khudbad ka jeediyo Harvard's African Development Conference [Shirka Horumarinta Africa ee Harvard ayaa xaqiijisay in Safaaradda ay VISA-ha u diiday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

"Waxaan ka xunahay inana adinla wadaagno in Qunsuliyadda Mareykanka ee Soomaaliya u diiday in VISA usoo saarto Xasan Sheekh, sidaasi darteedna uusan awoodi dooni inuu khudbad ka jeediyo Shirka,"

Muxaadaro Cinwaankeedu yahay "Somalia the Crossroads: Opportunities + Challenges Post-Civil War" ayaa lagu waday in Xasan Sheekh uu ka jeediyo 27-ka March kulan ka dhacaya Marriott Sable Oaks, South Portland.

Agaasimaha Hay'adda World Affairs Council Maine, Kate McCarthy ayaa sheegtay inay aad uga xun yihiin in Shirkooda uusan kasoo qeybgaleynin Xasan Sheekh, islamarkaana mowduuca arrimaha Soomaaliya ku saabsan uu ka baaqday.

Safaaradda USA ee Muqdisho ayaa ku doodaysa in Soomaaliya ay kamid tahay 6 dal oo Muslim ah oo Muwaadiniintooda uu Madaxweyne Trump sanadkii tagey ka mamnuucay inay galaan Mareykanka.

Dowladda Federaalka ayaa wali ka aamusan arintan, oo dhaawacaysa mudnaanta Xasan Sheekh oo Madaxweyne ka noqday Soomaaliya, oo ah dal madax-banaan, islamarkaana xilka si nabad ah uga degay markii doorashada looga adkaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM