Xasan Sheekh oo loo magacaabay agaasimaha Madaxtooyadda

Image
Maxamuud ayaa wuxuu horey u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa sanadkii 1982.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, sidda ku cad digreeto.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xuseen Sheekh uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan.

Sida ku xusan wareegto kasoo baxay Villa Soomaaliya, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa "Alle uga baryey in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla".

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Waxa uuna uga mahad-celiyey Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise dadaalka uu bixiyey muddadii uu xilkan hayey".

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu horey u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa sanadkii 1982.

Waxa uu ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxbarashada aas-aasiga ah iyo Jaamacadda heerka 1-aadna waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Waxbarashada heerka Labaad ee Jaamacaddana (Master Degree) waxa uu ka diyaariyey Daraasaadka Horumarinta, halka uu haatan ku guda jira takhasusuka Phd-ga ee Nabadda iyo Arrimaha Dowliga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM