Xasan Sheekh oo muddeeyay soo celinta askarta ku maqan Eritrea

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka shanqariyey in xal loo helay dhamaan caqabadihii taagnaa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in bishan December ay bilaaban doonto soo celinta ciidamadda Soomaaliya loogu tababaray waddanka Eritrea.

Isaga oo la hadlaya qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, Xasan ayaa intaas kusii daray in bisha Janaayo sanadka 2023 ay dhameystirmi doonto soo celinta ciidamaddan.

"Waa diyaar arrintaas. Marka dib-u-dhac dambe ma rajeynayno. Wax kasta waa noo waxaysan yihiin," ayuu sii raaciyey Xasan oo aan tafaasiil ka bixin caqabadihii hore u jiray ee la xaliyey.

Sidda lagu sheegay warbixino kala duwan, ciidamadda lagu tababaray Eritrea oo ka kooban milatar, kumaandoos, badda iyo juquraafiga ayaa tiradoodu waxay ka badan tahay shan kun.

Bishii September ee sanadkan 2022, madaxwayne Xasan Sheekh oo booqasho ku joogay Washington DC ayaa ka codsadey Mareykanka in uu maalgeliyo dadaaladda dib loogu soo celinayo ciidamaddan.

Isla mudadii uu hadlaayay, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka shanqariyey in waddanka uu rajeynayo in labada sano soo aadan uu helo wadar ahaan 20-kun oo ciidamo cusub.

Dhawaqan ayuu carabka ku dhuftey xilli uu ka faaloonayey bixitaanka ciidamadda Midowga Afrika ee ATMIS kuwaasoo uu caddeeyay in December, 2024 uu dalka ka bixi doona "askariga u dambeeya".

Hase ahaatee, bixitaanka ciidamaddan shisheeye ayaa dib loo dhigay dhowr jeer sababo ku aadan xaaladda ammaan ee waddanka oo jilicsan iyo khatarta Al-Shabaab oo wali aan waxba laga qaban.

Maamulka Xasan Sheekh ayaa markii la doortey 15-kii May, 2022 wuxuu iclaamiyey dagaal saddex geesood oo ka dhan ah Al-Shabaab kuwaasoo hadda u muuqda mid kusii baahaya guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM