Xasan Sheekh oo Museveni uga xog-waramay gulufka Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image
Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Uganda ayaa wadahadalo ku yeeshay magaaladda Kampala.

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si ay isaga dulqaadaan argagixisada Alshabaab oo caadeysatay gumaadka dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka iyo xasilloonida dhammaan dalalka gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalintii shalay, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dhankiisa, Museveni ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Museveni ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo ka qeyb-galay xuska 60-guurada xornimada dalkiisa, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka dalka Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM