​Xasan Sheekh oo ololihiisa Doorashada u tagey Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somalia, Xasan Sheekh Maxa'uud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Kismaayo, ee xarunta maamulka Jubbaland.

Mas'uuliyiin uu kamid yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa xubnahaas kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, iyadoo amniga magaalada aad loo adkeeyay.

Ujeedka Xasan Sheekh uu u tagey Kismaayo ayaa la xiriirta Ololihiisa Doorashada, maadaama  xildhibaanada Aqalka sare iyo mid Hoose ee Jubbaland noqdeen kuwii ugu horeeyay oo ee la doortay.

Labadaas mas'uul ayaa warbaahinta si wadajir ah ugula hadlay magaalada Kismayo. Xasan Sheekh ayaa soo dhaweeyay dadaalka maamulkaas u galay doorashada labada Aqal, sidoo kale wuxuu ku ammaanay hormarka ay gaareen mudadii uu jiray maamulkaas.

Safarka MD Xasan Sheekh ayaa yimid maalmo kadib markii uu Cumar Cabdirashiid, sidan oo kale u tagey magaaladaasi, isagoo dhaliilay maamulka hadda jira islamarkaana Xildhibaanada ku wargaliyay in dalka Somalia isbadal u baahanyahay.

Musharaxiin badan, oo u tartamaya Xilka Madaxweyne ayaa sidoo kale ku sugan Kismaayo, iyagoo kulamo la qaadanaya Xildhibaanada lagu doortay magaaladaasi, si codadkooda u iibsadaan.

Dhanka kale, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday saxiixa Liiska Xildhibaanada Labada Aqal, si loogu sameeyo Kaararka Aqoonsiga Xildhibaanimo.

Lama oga sababta ka dambaysa inuu Axmed Madoobe diido tallaabadaas, balse warar hoose oo aan la xaqiijin ayaa sheegay inuu madaxweynaha Jubbaland ku dooday in la xalliyo tabashooyinka Puntland si uu u ansixiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM