Xasan Sheekh oo warqadaha ka guddoomay danjireyaal cusub

Image
Image
Image
Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Faransiiska, Netherlands iyo Slovakia ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Arnaud Suquet Safiirka cusub ee dalka Faransiiska ee Soomaaliya, Maarten Brouwer Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Netherlands iyo Katarina Zuffa Leligdonova oo ah Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Slovakia u fadhin doonta Muqdisho.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh iyo safiiradda ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu,

Sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya, madaxweynaha waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo hakisay heshiisyadii dekedaha, amniga iyo difaaca ee Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen in midnimada qaran ay laf-dhabar u tahay difaaca danaha aasaasiga ah ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:32PM

Shiinaha oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay Beijing

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:29AM