Xasan Sheekh: Qof aamin ah ma jiro; nidaam aamin ah ayaa jira

Image
Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. [Photo: Maxamed Maax]

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa carabka ku adkeeyay aysan madaxda golaha wadatashiga qaranka ka yeeli doonin in ay dalka qabtaan nidaam doorasho aan loo dhameyn.

Mad-madow kasta oo keeni kara khilaaf gedaal ka yimaada ayuu cod dheer kusoo jeediyey in hogaamiyeyaasha ku howlan daadihinta doorashooyinka ay meesha ka saaran.

Dib-u-dhac kale oo ku yimaada coddeynta ayuu soo jeediyay. Laba jeer oo horey waqti loo qabtey ayay baaqatay. "Doodeenu ma ahan maxay dib-ugu-dhacdey, wixii dhacay wayba dhaceen, waa in mar kale aysan dib-u-dhicin," ayuu yiri.

"Qof aamin ah ma jiro nidaam aamin ah ayaa jiro. Nidaamka in aan aamin ka dhigno waaye muhiimada ugu weyn oo aan anaga u taaganahay. Waana u taagnaaneynaa," ayu uku daray.

Soomaaliya ayuu tibaaxay in ay leedahay waaya-aragnimo ku filan oo ku saabsan in is-damarin lagu sameeyo doorashooyinka ay horseedaan cawaaqib-xumo iyo colaado sokeeye.

"Deriskeena waxa ka socdo waan u jeednaa. Ciraaq iyo Suurya wixii ka dhacay waa wax salka ku haya doorashooyin la is-damariyey. Marka doorashooyinka yeysan naga xumaan," ayuu hoosta ka xariiqay hogaamiyaha xisbiga UPD.

Madaxda golaha wadatashiga qaranka ayuu cod dheer ugu booriyey in ay dhageystaan dhawaaqa ka imaanaya bulshada Soomaaliyeed ayna xaliyaan tabashooyinka laga qabo.

"Kuma haysano in ay doorashadda wadaan, laaiin waxaan ku haysanaa halka ay noo wadayaan," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Xasan oo 2016-kii dalka geliyey doorashooyin xasiloon.

Hadalka Xasan ayaa daba socda bayaan maanta kasoo baxay musharaxiinta kaasoo ay ku qaadaceen habraacii shalay kasoo baxay madaxda golaha wadatashiga qaranka kuna sifeeyeen mid baalmarsan dastuurka iyo heshiiska doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM