​Xasan Sheekh "Waxaan bixinay daymihii dalka lagu lahaa qaarkood"

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia ee waqtigu ka dhammaaday Xasan Sheekh Maxamud, ayaa maanta ka hadlay arrimo ku aadan daymihii lagu lahaa dalka iyo waxa xukuumaddiisu ka qabatay.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay xaflad ka dhacday dowladda hoose ee magaalada Xamar, ayaa sheegay inay ku guulaysteen bixintii daymihii lagu lahaa dalka qaybtooda, halka kuwo kale laga cafiyay, sida uu hadalka u dhigay.

"Dowladda Federaalka ah, waxay bixisay qaaraankii nagu aruray dhowr iyo Labaatankii sano ee aan ka maqnayn hay'adaha caalamiga ah ee nalagu lahaa ayaan dib u bixinay, oo ay ku guulaysatay inay bixiso, hadi ay ahaan lahayd IGAD, AU iyo hay'ado kale oo caalami ah, waxaana samaynay intaan daba galnay macaamil ku aadan inaan bixino waxna nalaga cafiyo,"Ayuu Xasan Sheekh.

Mudane Xasan, ayaa sheegay inay maanta ay soo noqotay magicii iyo haykalkii dowladdii dhexe ee Somalia isagoo intaas ku daray inuu magacooda iyo codkooduba shaqaynayo.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in xukuumaddiisu dadaal dheer ku bixisay sidii loo hawl galin lahaa safaaradaha Somalia ku leedahay caalamka, isagoo xusay inay soo celiyeen kuwo badan oo gacanta dowladda ka maqnaa.

"Waxaan dib u dhisnay oo aan habaynay safaaradihii iyo dhulkii ay iibisay dowladii dhexe ee Somalia, kuwii la dhacay ayaa intay dowladdu u dacwootay iyadoo kaashanaysa qurba joogta iyo bulshada Somaliyeed lasoo celiyay, waad ogtihiin taariikhda Safaaradda Nairobi, Brussels, maanta ayagoo qurux badan oo Calanka Somalia ka babanayo ayay taaganyihiin,"Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh Maxamud, Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee dalka Somalia.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli Mudane Xasan Sheekh uu u sharaxanyahay Madaxweynaha Somalia mar labaad, waxaana socda loollan uu ku raadinayo in mar kale booskaas kusoo baxo iyadoo dowladdiisa lagu eedayay fadhiidnimo iyo inaysan wax badan ka qaban arrimaha dibadda iyo gadaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM