Xasan Sheekh: Wiilku si kasta oo uu u dadaalo aabihiis uma abaal gudikaro

Image
Dhankiisa, madaxwayne Geelle ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday Madaxtooyada ku maamuusay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdigiisa.

Billad Qaran ayuu guddoonsiiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle taasoo uu xusay in uu ku mutay kaalintiisa dowlad-dhiska iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed

Xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti ayuu carabka ku adkeeyay in uu yahay mid ku dhisan wada dhalasho, wax wada-lahaansho iyo derisnimo.

"Caawa, waa habeen taariikhi ah iyo fursad aan kor ugu qaadeyno walaalnimadeenna. Wiilku si kasta oo uu u dadaalo Aabihiis uma abaal gudikaro, inaguna sidaas oo kale ma gudikarno abaalka iyo kaalinta lama ilaawaan ee ay noo galeen walaalaheenna Jabuuti," ayuu Xasan Sheekh yiri.

Dhankiisa, Geelle ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diiran iyo martisoorka heerka sare ah ee loo sameeyay ayaa adkeeyay in la xoojiyo isku-duubnimada shacabka Soomaaliyeed si looga gudbo caqabada ku xeeran hirgalinta himmilooyinka labada dal iyo shacab ee walaalaha ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin xiriir la leh Qatar oo soo dhoweeyey go’aanka DF Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta

Xilligii uu xilka hayey Madaxweyne Farmaajo, xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta….

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 05:50AM

Soomaaliya oo hakisay heshiisyadii dekedaha, amniga iyo difaaca ee Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen in midnimada qaran ay laf-dhabar u tahay difaaca danaha aasaasiga ah ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:32PM