Xasan Shiekh oo ka hadlay cabashada Jaamacada Kismaayo

Image

July 27,2015 (GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Federalka Somalia ay ka jawaabayso cabashada kasoo yeertay maamulka Jaamacada magaalada Kismaayo oo ka cabanaayay ciidamada Amisom oo degan xaruntaas.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladda Somalia sida ugu dhaqsiyaha badan ay u xalinayso cabashadaasi si xarunta Jaamacada Kismaayo shaqadeeda dib loogu bilaabo.

Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Xikam oo ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka Jaamacada Kismaayo ayaa maalmo ka hor u sheegay warbaahinta dhibaatada ay ku qabaan ciidanka Amisom ee degan xarunta Jaamacada.

Xeerarka caalamiga ee ciidanka ayaan ku jirin marnaba in ciidan hubaysan ay degaan xarumaha rayidka, iyadoo sanadkii 2012-ka ilaa hada ciidanka Kenya fariisin ciidan ay u tahay dhismaha xarunta Jaamacada magaalada Kismaayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM