Xasan Shiikh: Muuse Ganjab la-taliye iima ahan weligiisna iima noqon

Image

October 18, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyey in qaar kamid ah dadka madaxtooyada Villa Somalia aadka uga ag dhowi ku lug yeesheen hub ciidamada Dolwadu leeyihiin oo si qarsoodi ah loogu gudbiyey Ururka Al-shabab.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale beeniyey inuusan marna la-taliye u noqon nin ganacsade ah oo Muuse Ganjab lagu magacaabo kaasoo dhowaan gudiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cun-qabateynta hubka saaran Somalia iyo Eritrea sheegeen inuu la-taliye sare u yahay Madaxweynaha Dowlada Federaalka qaybna ka qaatay hub dowladdu leedahay oo si hoose loogu gudbiyey Al-shabab.

"Ninka la leeyahay Muuse, ma jiro qof Muuse lagu magacaabo oo la-taliye ii ah amase abid xafiiskayga la-taliye u nqoday. Gudiga la socoshada cuna-qabateynta waxaa laga rabaa inay cadeeyaan halka qof Muuse Xaaij la dhaho la-taliyaha iga noqday"  ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraysi gaar ah siinayey telefishinka France 24 isagoo intaas raaciyey  "waxan aaminsanahay in shaqada hay'adaha UN-ku  ahayn inay wax iska eedeeyaan balse tahay inay qayb ka qaataan horumarinta nidaamka Soomaaliya"

Muuse Ganjab oo isna todobaadkii hore la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa iska fogeeyey eedeynta loosoo jeediyey isagoo tilmaamay inay tahay isku day la doonayo in lagu wiiqo Soomaaliya iyo shaqsiyadaadka u ololeeya sidii dalku horumar ku gaari lahaa.

Gudiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea , ayaa warbixin cusub oo todobaadkii hore soo saareen ku sheegay in hubka dowladda si furan loogu iibiyo suuqyada Muqdisho qayb kamid ahna Al-shabab loo gudbiyey, arintaasoo warbixinta lagu xusay in mas'uuliyiin sare oo Dowlada Federaalka ka tirsani si toos ah ugu lug leeyihiin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM